Yeysan mu’miniintu ka dhigan gaalada sokeeye halkii mu’miniinta, qofkii sidaa fala, kama heli doono wax (gargaar ah) xagga Alle, inaad sidaa isaga ilaalineysaan mooyaane dhib xaggooda idiinka yimaada 1. Allena wuxuu idiinka digi Naftiisa2, xagga Alle baana lagu dambeyn.