(Xus, Nabiyow) markuu Alle la galay axdi (ku cad Towraadda) kuwii la siiyey Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada), inaad u caddeysaan dadka oo aydaan ka qarinnin (imaanshaha Nabi Muxammad s.c.w )1,waxayse ka tuureen dhabarradooda gadaashood, oo ay ku iibsadeen qiimo yar. ee xumaa waxay iibsan.