Sidaas waa Naxariista Alle darteed inaad ula dhaqanto si nugul, haddaad ahaan laheydna mid qallafsan, qalbi adag, waxay ka kala yaaci lahaayeen hareerahaa- ga; ee iska cafi oo u denbi dhaaf dalab oo kala tasho arrinka, markaad goosato arrinna isku hallee Alle. Alle wuu jecel yahay kuwa isku halleeya oo tala saarta.