Markaas hammi kaddib wuxuu idinku soo dejiyey nabdooni, xasiloonni u imaneysa koox idinka mid ah1, halka koox kale ay nafahooda walaaciyeen2, waxay ku maleeyeen Alle male xun aan xaq ahayn malihii jaahiliyadda ah. Waxay lahaayeen: Ma aynu ku lihin wax talo ah arrinka. Dheh: Arrin oo dhan waxay ku jiraan (Gacmaha) Alle. Waxay ku qarsadaan nafahooda wax aysan kuu muujinayn3, iyagoo leh: Haddaan wax talo ah ku lahaan lahayn arrinka, nalaguma dileen halkan4. Dheh: Xitaa haddaad joogi laheydeen guryihiinna, kuwa dilka loo qoray waxay shaki li`i u soo bixi lahaayeen halka lagu dili lahaa, waana si uu Alle u imtixaano waxa ku jira laabihiinna, oo u daahiriyo waxa ku jira quluubtiinna, Allena wuu ogsoon yahay waxa ku jira laabaha (dadka).