Hadday idin haleesho samo, waa ay murugo gelisaa (munaafiqiinta), hadday idinku dhacdona xumaani way ku farxaan. Haddiise aad samir yeelataan oo aad iska jirtaan (dhagartooda, Allena u hoggaansan tihiin, iskana ilaalisaan xumaha), tabtooda wax dhib ah haba yaraatee idiin ma geysan doonto. hubaal Alle wuu koobaa waxay fali.