Waxaad tihiin (Muslimiintoy) tan u khayr badan ummadaha ee loo soo saaray dadka; Waxaad amartaan samaha, reebtaanna xumaha, oo rumeysan tihiin Alle. Haddayna ehlul Kitaabku rumeyn lahaayeen (Islaamka), waxay u ahaan laheyd wax u khayr badan iyaga; waxaa ka mid ah qaar mu'miniin ah (oo islaamay), badankooduse waa caasiyaal.