Qofkii la yimaada wanaag (Towxiid iyo camallo san oo sharciga waafaqsan), wuxuu leeyahay wax ka khayr badan (waxaa lagu abaal marin Janno), qofkiise la yimaada xumaan (shirki iyo macaasi), laguma abaal mariyo kuwa fala camallada xun waxaa ahayn waxay falayeen (wax la mid ah oo xumaan ah).