Markaad aragto (munaafiqiinta) wuu ku cajab gelin muuqaalka jirarkooda; hadday hadlaanna, waad dhageysan hadalkooda, waxaad mooddaa dogobyo la tiirtiiriyey 1 oo dhar la huwshay. Waxay moodi dhawaaq walba in iyaga loogu dan leeyahay. Waa iyaga cadowga, ee ka digtoonow. Allaha baabbi’iyee! Xaggee looga iilay (Xaqa)?