Kuwa idinka mid ah ee isaga
xaaraantimeeya1 xaasaskooda hab ah dihaar (iyagoo ku odhan, "hooyaday baad iga tahay") - Sidaa kuma noqonayaan hooyooyinkood. hooyooyinkoodna ma aha cid kale aan ahayn kuwa dhalay. Kuwaasina waxay ku hadlayaan hadal xun iyo been abuur. Allena waa Cafiye, Denbi Dhaaf badan.