Dhabtii waa gaalo kuwa yidhaahda: Alle, waa Masiixa ina Maryam; Masiixuse wuxuu yidhi: Ilmahii Israa’iiloow! Caabuda Alle Keliya, Rabbigay iyo Rabbigiin. Qofkii wax la wadaajiya Alle (cibaadada), wuxuu Alle ka xaaraantinimeeyey Jannada, hoygiisuna waa Naarta. Daalimiintuna ma leh wax u soo gargaari (Aakhirada ama u shafeeci).