Waxay moodeen inaysan jireyn wax Fidna ah, markaasay noqdeen kuwo (ka) indha la’ oo dhega la’ (Xaqa), haddana Alle wuu ka toobad aqbalay, haddana in badan oo ka mid ahi waxay noqdeen kuwo (ka) indha la’ oo dhega la’ (Xaqa). Allena wuu arkaa waxay falaan.