Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Qofkii idinka mid ah ee ka noqda diintiisa, wuxuu Alle keeni qolo uu jecel yahay, iyaguna jecel, u nugul mu’miniinta, ku ad-adag gaalada, u jihaada Jidka Alle, oo aan ka cabsan canaanta canaante. Kaasi waa Fadliga Alle, Wuxuu siiyaa qofkuu doono. Allena waa Deeq Ballaarane, wax kasta Og.