Waxaana ugu qornay (Towraadda): in naf loo qaado naf1, ilna il, sankana san, dhegtana dheg, iliggana ilig, Nabarradana waa in laysu dhaawac simo. Kiise sadaqeysta (iska saamaxa oo ka tanaasula xaqiisa Alle darti), waxaa loogu dhaafi denbigiisa. Qofkaan wax ku xukumin wuxuu Alle soo dejiyey, kuwaas weeye kuwa ah daalimiinta (gar diidka).