Waxa la idinka xaaraameeyay waa baqtiga, dhiig, hilib doofaar, iyo wixii lagu xuso (gowraco) waxaan magac Alle ahayn, iyo xoolaha lagu dilo ceego, ama jug, ama meel ka soo dhacay, ama hirdin - iyo wuxuu cuno dugaag1 - waxaad (awood u yeelataan inaad) gowracdaan mooyee (dhimashadooda ka hor), iyo waxa loo (gowraco) asnaamta, (waxaa kaloo reebban) inaad wax ku kala qaybsataan ama ku nasiib doonataan faal iyo qori tuur, kaasi waa fisiq. Maantayna gaaladu ka quusteen diintiinna, ee ha ka baqina, ee Aniga (Alle) Keliya iga baqa. Maantaan2 idiin dhammeystiray diintiinna, oo idiin taam yeelay Nicmaddeyda korkiinna, oo idiinka raalli noqday Islaamka diin (iyo dhaqan) ahaan. Qofkii se ay ku qasabto gaajo daran (inuu cuno baqtiga) isagoo aan u dan laheyn u iilasho denbi, hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis badan.