Labo nin (Yuushac bin Nuun iyo Kaalib bin Yoofinaa) oo ka mid ah kuwa (Alle ka) cabsada oo uu Alle u nicmeeyey waxay yidhaahdeen: Uga gala (cadowga) albaabka, markaad gashaan idinkaa adkaan, Allena isku halleeya oo tala saarta, haddaad tihiin mu’miniin.