Wuxuu Alle uga soo celiyo Rasuulkiisa dadka magaalooyinka (dagaal la'aan)27>1, waxaa leh Allaah, Rasuulka, qaraabada dhow (ee Rasuulka)5, agoomaha, masaakiinta iyo musaafirka (go’doonsan) si uusan (maalku) u ahaan wax ku wareegeysta oo keliya kuwiinna hodanka ah dhexdood. Wuxuu Rasuulku (amar) idin (ku) siiyo qaata, wuxuu idinka
eebona ka jooga, oo dhowra (xilkuu idin saaray) Alle. Hubaal, Alle wuu Daran yahay Ciqaabkiisu.