Kuwa looga soo saaray guryahoodii xaq darro iyagoon waxba geysan, inay yidhaahdeen maahee: Rabbigayo waa Allaah.” Haddayna jirin ku difaacidda Alle dadka qaarkoodba qaar, waxaa la dumin lahaa sawmacado, kaniisado, macaabid, iyo masaajidyo gudahooda Magaca Alle in badan lagu xuso. Allena wuu u gargaari kuwa u gargaara (Diintiisa), hubaal Alle waa Xoog Badane, Adkaada.