Rasuulku wuxuu rumeeyey waxa lagaga soo dejiyey Waxyi ahaan xagga Rabbigi, oo (waa sidaas) mu’miniintu. Waxay kulligood rumeeyeen Allaah, Malaa’igtiisa, Kutubtiisa iyo Rusushiisa; Ma kala soocno midkoodna ka mid ah Rusu- shiisa dhexdooda, waxayna yidhaahdaan: Waanu maqallayoo adeecnay. Rabbigayow! Denbi Dhaafiddaada (yaanu kaa baryi), waana Xaggaaga meel noqodka dambe.