Hanuunkoodu ma aha xil ku saaran, Alle baase hanuuniya qofkuu doono. Waxaad bixisaan oo khayr ah, idinka naf ahaantiinnay u roon tahay, oo idinku wax ha u bixinnina aan ahayn doonista Wajiga Alle. Waxaad bixisaan oo khayr ahna waa la idiin oofin si dhan, idinkoo aan waxba la idinka dulmineyn.