Allaah! Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, waa Weligi Noolaha, Daryeelaha iyo Maamulaha waxa uunka jira, ma qabato lulmo iyo hurdo midna. Wuxuu leeyahay wax walba oo ku sugan samooyinka iyo arlada. Waa kuma kan agtiis shafeeco qaadi kara Isagoo idmo maahee? Wuxuu ogsoon yahay waxa hortooda ah iyo waxa gadaashood ah. Mana koobi karaan (uumankiisa) wax ka mid ah Cilmigiisa wuxuu doono ma’ahee. Kursigiisu1 wuu ka ballaadhan yahay oo koobaa samooyinka iyo arlada, mana cusleeyaan ilaalintoodu2, waana Sarreeyaha weyn3.