Rusushan waxaan ka yeelnay qaar ka mid ah inay dheer yihiin fadli qaar kale oo iyaga ah; waxaa ka mid ah kuwo uu Alle (toos) ula hadlay (sida Aadam, Muuse, iyo Muxammad); wuxuuna kor u qaaday qaarkood darajooyin (Nuux, Ibraahiim, Muuse, Ciise iyo Muxammad); Waxaanuna siinnay Ciise, ina Maryam, Xujooyin cad, oo ku xoojinnay Ruuxa Daahirka (Jabriil). Hadduu Alle doono, facyadaas xigsaday ma ay is dagaaleen, kaddib markay Xujooyin cad u yimaadeen, (wuxuuse siiyey akhyaar xagga diinta, sidaa awgeed) way iskhilaafeen – marka waxaa jiray qaar ka mid ahoo rumeeyey, iyo kuwo gaaloobay. Hadduu Alle doonona, ma ay is dagaaleen, wuxuuse Alle falaa wuxuu doono.