Madyanna (waxaan u dirnay) walaalkood Shucayb. Wuxuu yidhi: Tolkaygiiyow! Caabuda Alle keliya, ma lihidin ilaah kale (oo xaq ah) Isaga maahee. Xujo cad waxay idiinka timid xagga (Alle) Rabbigiin; ee oofiya beegga iyo miisaanka hana ka dhimina dadka waxyaalahooda, hana ku falina fasahaad arlada inta la hagaajiyey kaddib, sidaasaa idiin khayr roon, haddaad tihiin mu’miniin.