(Waxaan u dirnay) Thamuud walaalkood Saalix. Wuxuu yidhi: Tolkaygiiyow! Caabuda Alle Keliya, ma lihdin ilaah kale (oo xaq ah) Isaga maahee. Xujo cad baa idiinka timid xagga Rabbigiin. tani waa Hal Ilaahay aad leedihiin, oo ah Calaamo; ee iska daaya ha daaqdo’e arlada Alle, hana u geysannina wax waxyeello ah, haddii kale waxaa idin qaban cadaab xanuun badan.