(Alle) waa Kan soo dira dabeylaha bishaaro ahaan ka horreeya Naxariistiisa (roobka) jeer markay soo qaadaan daruuro culus, waxaan u kaxeynaa korka dhul dhintay, kolkaas baan ku hoorinnaa biyo, waxaana ku soo saarnaa miro nooc walba. Sidaasaannu u soo saari maytida, inaad xusuusataan.