Hubaal Rabbigiin waa oo keliya Allaah, ee ku abuuray samooyinka iyo arlada lix maalmood, dabadeed dul ahaaday Carshiga. Wuxuu ku daboolaa habeenka maalinta, uu raacdo hayo si xowli leh, (wuxuuna Alle abuuray) qorraxda iyo dayaxa iyo xiddigaha ku laylan Amarkiisa. Ogaada, Isagaa (Alle) leh Abuurista iyo Amarkaba. Waxaa Khayr iyo Barako badan Alle, Rabbiga uumanka.