Ilma Aadamow! Yuusan idin fidnayn shaydaanku, siduuba uga soo saaray labadiinnii waalid Jannada, isagoo ka siibaya dharkooda, si uu u qaawiyo oo u tuso cowradooda. Wuu idin arkaa isaga iyo qabiiladiisuba, idinkuse ma aragtaan. Waxaan Annagu uga dhignay shaydaadiin- ta sokeeye kuwa aan (Xaqa) rumeyn.