Kuwa heysta (diinta) Yuhuudi-
yadda waxaan ka xarrimnay (neef) kasta oo ciddi leh1, xagga lo'da iyo adhiga waxaan ka xarrimnay buruurtooda wax Maahee ku dhegay dhabarradooda ama xiidmahooda ama ku dheehmay laf. Sidaas waxay ahayd ciqaab aan ku abaal marinnay dulmigoodii dartiis, run baana sheegaynaa.