Sidaasay (ilaahyadooda beenta ah) ay la wadaajiyaan cibaadada (Alle) ugu qurxiyeen in badan oo mushrikiinta ah dilka carruurtooda, si ay u halligaan oo uga khaldaan camalkooda. Hadduu Alle doono, ma ay fali lahayn, ee isu dhaaf iyaga iyo waxay been abuuraan.