Waad dib dhigi kartaa (Nabiyow) taad doonto (mooggeeda), oo u hoyaadi kartaa taad doonto, waadna soo dhoweyn kartaa taad rabto oo ka mid ah kuwaad ka fogaatay, eed kuguma saarna, arrinkani baa sii habboon, si ay u indho qabowsa- daan oo aysan u murugoon, iyo inay ku raali noqdaan dhammaantood waxaad siiso. Alle baa og waxa ku jira quluubtiinna. Allena waa wax kasta Oge, Dulqaad Badan.