Uma yeelin Alle ninna labo qalbi oo ku jira gudahiisa, kamana yeelin xaasaskiinna aad ku sheegtaan inay idinka yihiin xaaraan sida hooyooyinkiin, hooyooyinkiin oo kale1, kamana uu dhigin kuwaad u soo korsateen ilmahiinna ahaan inay la mid yihiin ilmahiinna runta ah aad dhasheen2. Taasi wax kale maahee waa hadal uun aad ka tidhaahdaan afka. Allena wuxuu ku hadlaa runta, Isagaana wax ku hanuunsha Jidka (Toosan ee Islaamka).