Hubaal Muslimiinta iyo Muslimooyinka, mu’miniinta iyo mu’minooyinka, ragga Alle adeeca iyo haweenka Alle adeeca, run sheegayaasha iyo run sheegooyinka, ragga samra iyo haweenka samra, ragga u khushuuca (Alle) iyo dumarka u khushuuca, ragga wax sadaqeysta iyo haweenka wax sadaqeysta, ragga sooma iyo haweenka sooma iyo dhowrsanayaa- sha xafida xubnahooda gaarka ahi iyo dhowrsanooyinka, Alle xusayaasha in badan iyo (Alle) xusooyinka. Alle wuxuu u diyaariyey denbi dhaaf iyo abaalgud weyn (Janno).