Ku sugnaadana guryihiinna1, hana muujinnina quruxdiinna sida ismuujintii iyo isbandhiggii jaahiliyaddii hore2, oogana salaadda, oo bixiya Zakada, adeecana Alle iyo Rasuulkiisa, Alle wuxuu rabaa uun inuu idinka fogeeyo fadarada (denbiga) Ehlu baytkow3, iyo inuu idin daahiriyo daahirin dhan.