Ee bakhayllada ah xaggiinna1, markase cabsi timaaddo waxaad arki iyagoo ku soo eegaya oo indhahoodu wareegayaan sida mid la sakaraad ah geeri; markase ay cabsidu tagto, waxay idinku dhibaan carrabyo afaysan, ka bakhaysha khayrka; kuwaasi ma ay rumaynin (Xaqa). Sidaa awgeed buu Alle u buriyey acmaashooda, arrinkaasina Alle wuu u fudud yahay.