Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Mushrikiintu sidooduba waa Nijaas ee yeysan u soo dhowaan Masjidka xurmadda leh (Kacbada) sannadkan kaddib1, haddaad ka cabsataanna faqri, Alle baa idinka hodansiin Deeqdiisa hadduu doono. Hubaal, Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah.