(Yuhuuddaa) waa been dhageystayaal, xaaraan quutayaal. Sidaas awgeed hadday kuu yimaadaan, u kala garsoor ama iskaga jeeso, haddaad ka jeesato waxba kaama dhimaan. Haddaad u kala garsoortana, ugu kala garsoor caddaalad dhexdooda. Hubaal Alle wuu jecel yahay kuwa wax u garsoora si caddaalad ah.