يا ايها الذين امنوا انفقوا من طيبات ما كسبتم ومما اخرجنا لكم من الارض ولا تيمموا الخبيث منه تنفقون ولستم باخذيه الا ان تغمضوا فيه واعلموا ان الله غني حميد ٢٦٧
kuwa xaqa rumeeyow wax ka bixiya ka wanaagsan waxaad kasbateen, iyo waxaan idinka soo bixinay Dhulka, hana u qasdina kan xun inaad wax kabixisaan, oo idinkuba aydaan qaadateen, inaad indho laabtaan mooyee, ogaadana in Eebe yahay Hodan la mahdiyo,