Kuwa dhinta ee idinka mid ah oo ka taga xaasas gadaashood, waa inay u dardaarmaan xaasaskooda masruuf sannad ah iyo guri ay degaan oo aan laga saareyn1, haddayse iskood u baxaan, ma jiro wax eed ah oo idin saaran waxay ku falaan nafahooda oo gar ah. Allena waa Adkaade, Xakiim ah.